Muqdisho: Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Gaystay oo Lala Beegsaday Dad Rayid ah

Muqdisho – (warsoor) – saddex qof ayaa ku dhintay ilaa afar qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen garax lala beegsaday gaadhi rakaab ah oo maraayey degmadda Hawl-wadaaga ee gobolka Banaadir, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen maamulka degmadda.

Xoghayaha maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, Maxamuud Cabdi Maalin, ayaa sheegay in sadexda qof ee dhintay labo kamid ah ay ahaayeen gabar iyo hooyadeed halka qof kale uu ahaa rag, waxaana qaraxa uu ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ee degmadaas.

grenade

“Waxaa dhacay qarax aan u malaynayno in uu yahay miino oo ka dhacay suuqa bakaaraha gaar ahaan meel u dhow saldhiga booliiska ee degmada, wararka aan helnay waxaa ku dhintay gabar iyo hooyadeed iyo nin kale,” sidaasi waxaa yidhi Maxamuud Cabdil Maalin.

Dadka dhaawaca ah ayaa loola cararay cusbitaaladda magaaladda Muqdisho si loogu fidiyo gargaar caafimaad. Ciidamadda Soomaaliya ayaa soo gaadhay goobta uu qaraxu ka dhacay waxaanay hawl-galo baadhid ah ka bilaabay goobta qaraxu ka dhacay.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegtay masuuliyadda weerarkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.