Muniir Axmed Cigaal Oo Khudbad Qiiro Galisay U Jeediyay Tageerayaasha Xisbiga WADDANI

UK, London – (warsoor) – Muniir Axmed Cigaal oo kamid ah sarakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa khudbad siweyn u taabatay jumhuurka Tageerayaasha Xisbiga WADDANI u jeeday. Xaflad lagu soo dhawaynaayay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo ka dhacay Magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska ayuu ka hadlay Muniir Axmed Cigaal . Waxaana hadaladiisi kamid aha .
“Somaliland waxay qaadatay ninaadka Axsaabta badan, si kasta oo wax uga dhiman yihiin halkaas ayaa lagu heshiiyay in talada Waddanka loogu baratamo. Xisbiga WADDANI doorashadii u danbaysay guul wayn ayuu soo hooyay, doorashada waa la helaa waana la waaya waa sida lucbada.” Muniir Axmed Cigaal oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi. In badan waxaynu maqalnaa Madaxweynahu Dadka ha mideeyo, Marka sidaa la leeyahay maxaa loo jeeda ma waxaa loo jeeda Muuse Biixi Dadkii way ku doorteene midee oo inta kalena ku darso? Mise waxaa loo jeeda Dadka Madaxweyne midee oo markayaga doorashada na sii? Innagase Waddani ahaan maxay shaqadeenu tahay? Madaxweynaha Berbera gaadhi waayay ee Xafladii DP World gurigiisa ku qabsaday ka fili mayno inuu Ceerigaabo afarteeda dacal gaadho Caarena raadiyo, markaa miyaanay ahayn in WADDANI Ummadda isagu mideeeyo, oo intii u codaysayna hayo intii Codka kala baydhayna raadiyo?. Xisbigu shacab ayuu u baahan yahay, SSEUK ayuu u baahan yahay, oo Burco oo uu mideeyo ayuu u bahan yahay oo kuwa KULMIYE ku jira ayuu u baahanyahay Dadka ha la soo dhaweeyo “.
Muniir Axmed Cigaal ayaa ugu baaqay Tageerayaasha Xisbiga WADDANI inay Xisbiga aaminaan wuxuna yidhi “. Waxaan aamin sanahay Anigu in WADDAN Guusha helaayo oo Xisbinimo lagu helaayo kii aan taas aamin sanaynow adeer haddaba is kaga bax xaflada oo Iska naso, kii Muuse Biixi u shaqo tagaayow adeer xaqbaad u leedahaye u shaqo tag adigoon Xajkaba Xaajo ku darin “.
Gebo gebadii wuxuu Muniir Axmed Cigaal ugu baaqay Tageerayaasha Xisbiga WADDANI in aanay hoonku kaga dhagin Muuse Biixi ee ay Xisbiga abaabulaan wuxuuna yidhi “. Muuse Biixi uun yaanay inagaga dhegine Xisbiga ayaynu abaabulno waagi KULMIYE dhacay 20002 Anigu KULMIYE ayaan ahaa marka madaxa dhulka lagu dhufto waa la dawakhaa lakiin dawakhu yaanu inala sii dheeran waa la gagab gooya. KULMIYE wakhtigaas isagaa inaga gagab xumaa lakiin Xisbiga ayay ku noqdeen oo abaabuleen “. Sidaa waxa yidhi Muniir Axmed Cigaal oo la dardaaramay Tageerayaasha Xisbiga WADDANI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.