Mulkiilaha WorlRemitt oo Hantiisu Kor u dhaaftay $5 bilyan oo Dollar

Shirkadda WorldRemit ayaa silasiladii maalgashi ee dufcadii E shalay heshay taas oo dhan $ 292 Milyan oo dollar sida ay Bloomberg sheegtay.

qiimaha shirkada ayaa gaadhay $ 5 Bilyan oo Dollar isla shalay ayaana magacii guud ee Shirkadda loo badalay Zebz.

lkn calaamadihii WorldRemit iyo Sendwave oo dhawaan shirkadu iibsatay sidooda ayey sii ahaanayaan oo magacaas Zebz Company ayey hoos tagayaan.

WorldRemit waxay noqotay shirkadii ugu horaysay taariikhda abid ee qof Somali ahi asaaso oo qiimaheedu $ 5 Bilyan oo dollar uu gaadho.

dadka lacagaha isugu diri doona ee dunidda kala jooga ayaa gaadhi doona 15 Milyan oo qof.

asaasaha shirkadda Ismaciil Axmed ayaa isla sannadkan sheegay in mu’asasada uu gudoomiyaha ka yahay ee Sahan Foundation International ay ku maal galinayso Somaliland $ 500 oo Milyan oo Dollar.

Ismaciil Axmed ayaa Forbes 2017kii ku tilmaamtay shakhsiga labaad ee ugu Taajirsan Somalida.

Shirkadda Zebz oo horana loo odhan jiray WorldRemit waxay ka shaqaysaa 150 wadan waxaana ka shaqeeya 1500 oo qof.

Headquarterska ama Xaruunteedu waa magaaladda London waxaanay kuleedahay dunidda 16 xafiis goboleed oo ku kala yaala 16 wadan oo kala ah.

Maraykanka,Canada, Somaliland, Australia, Hong Kong, Singapore, Malaysia, Philipines, Poland, South Africa, uganda, Kenya, Rwanda, Tanzania, Zimbaabwe iyo Belgiumka.

waxaa guul ah in Shirkad qof Reer Somaliland ahi asaasay inay dunidda qiimahaa ku yeelato.