Mujaahid Axmed Mirre Oo Ka Hadlay Buuqii Ka Dhacay Golaha Wakiillada

HARGEYSA – (WARSOOR) – Mujaahid Axmed Mirre Oo Ka Hadlay Buuqii Ka Dhacay Golaha Wakiillada Iyo Si Adag-na Madaxweyne Biixi Ula Hadley

“Sharciga Haddii Aad Burburiso Addiguna Waad Dumaysaa, Dalkaagii Waad Dumisay,Markaa Waxa Aad Burburinaysid Iyo Waxa Kaa Jabaya,Haddii Aanad…”Mujaahid Axmed Mirre

Mujaahid Axmed Mirre ayaa markii u horeysay ka hadlay buuqii ka dhacay Golaha Wakiillada ,waxaanu sheegay in arrintaas ay tahay wax laga xumaado,isla markaana loo baah-naa in Xildhibaannadu ay doodaan,haseyeeshee aan loo baahnayn inay xaalad abuuraan

“Maalin dhaweyd waxa la isku qabsaday Baarlamanka lama aan yaabin annigu,waayo rag dhallinyaro ah oo dareensan waxa loo soo doortay ayaa doodayey,lakiin waxa aan ka xumaaday inay ku kala baxeen meesha,waxaan jeclaa dood inay isku jar-jaraan oo dabadeed ta xaqa ah loo soo noqdo oo la raaco,markaana cod lagu kale baxo sida ummaddaha kale ay yihiin,lakiin waxa aan ka naxay xabad yar oo meesha ka dhacaysa iyo qaylo,waxaas wax sax ah may ahayn oo inna qabta”ayuu yidhi

Mujaahid Axmed Mirre ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu sharciga illaaliyo,isla markaana uu qiimeeyo xilka culus ee uu ummadda u hayo

“Waxaan leeyahay cidda maanta sharciga inoo haysa waa inay waddada sharciga ah ee xaqa martaa,Madaxweynuhu waa in uu xilkiisa qiimeeyaa,dad weynuhu waa in ay quluubtooda isku furraan.”ayuu yidhi

Waxa uu intaas ku sii darray Mujaahid Mirre “sharciga haddii uu noqdo ila meerayso meel-na u bixi mayno ,Haddii aan iminka idin wadda jiidho oo la waayo qof yidhaah waar fadhiiso Axmedow ummad noqon mayno,waa in uu sharcigu noqdaa mid wax walba ka sareeya,weli qof keliya ma nidhaah waad khaldan tahay.”ayuu yidhi

Dhanka kalena Mujaahid Axmed Mirre ayaa sheegay haddii sharciga la burburiyo inay dhibaato ay ka dhalan karto,waxaanu farriin waanno ah uu si dad ban ugu diray Madaxweyne Biixi

“Sharciga haddii aad burburiso addiguna waad dumaysaa,ubadkaagiina wey dumeen, dalkaagii waad dumisay,markaa waxa aad burburinaysid iyo waxa kaa jabaya,haddii aanad qiimaynayn hore u socon karri mayno,Qof qof iyo qolo-qolo innaga daaya awooda sida loo kale leeyahay hala fahmo ,waar dalka waxa ugu awood weyn shacabka iyaga ayaa madax-da doorta,iyaga ayaa sameeya ,iyaga ayey la jirtaa inay illaashadaan oo ay toosiyaan,qofku waa bila’aadan wuu khaldami karraa wax kale ,ayaa is tusi karra dammac ayaa iman karra,wax walba wey dhici karraan,lakiin haddii wax toosiyaba la waayo sidee la yeellayaa .”

Geesta kalene Mujaahid Axmed Mirre ayaa sheegay inay khasaare tahay haddii Somaliland oo soddon sanno jirtay ay ku noqoto dagaalkii sokeeye iyo godkii laga soo saaray

“Waar innaga oo maanta dhawr iyo soddon jirsanay yey nacas-nimo innaga qaadin, yaan wixii god innagaga dhicin aan ilaashano sax iyo khalad-ba waxaa yar ee aynu qoraynay (dastuurka) aynu illaalino,haddii aynu ku dhaqami weyno iska hor imaad ayaa imanaya,haddii iska hor imaad uu yimaadana waa laggaa faa’iidaysanayaa,ha eegina qolo qolada aynu nahaye adduun dhan ayaa indhaha innagu haya oo danno innaga leh oo innaga hanti baddan oo sida uu doonno inoo isticmaalaya, weydinkaa arkaya Xamar waxa haysta diyaarad lacag ah ayaa imanaysa waa loo qaybinayaa,waxay illaabeen waddaniyaddii oo dhan ,markaa gondaheena uun yeynaan eegina bal hadda indhaheena waa inaynu kor u qaadno,waxa geeska afrika ka dhacayana aan qiimayno .”

Ugu dambeyn Mujaahid Axmed Mirre ayaa ka hadlay odayaal uu wasiir Siciid Sulub ururriyey,kuwaas oo dhawaan uu la kullan siiyey Madaxweyne Biixi,waxaanu sheegay in arrimahaas ay Qaranka Somaliland ceeb ku yihiin,isla markaana aan loo baahnayn ficiladaas

“Nin ayaa la soo ordaya afar oday oo reerkooda ah oo odhanaya Madaxweynow kuwan ayaan kuu keenay,waxaas wax sax ah maaha ”