Mudane Ibraahin Buubaa oo Sheegay Sumcada Somaliland ka Heshay Doorashooyinkii isku sidkanaa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka mid ahaa Mudanayaasha gollaha wakiillada ee wakhtigoodu dhamaaday ayaa Shacabka Somaliland ku hambalyeeyay Sidii quruxda badnayd ee ay uga qayb qaateen Doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka dhacday 31-kii bishii May.

Waxa uu xildhibaanku doorashadaas ku tilmaamay mid guul balaadhan u soo hoysay qaranka Somaliland Waxaanu xusay in dhaqaalaha ugu badan ee doorashadaas ku baxay ay dusha u ridatay xukuumadda Somaliland.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa wuxuu u mahadnaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, Komiishanka doorashooyinka,Axsaabta Qaranka,Iyo Ciidamada amaanka ee ka qayb qaatay in doorashadaasi ay hannaan qurux badan inoogu dhacdo Waxaanu intaas ku daray in midhaha doorashadaasi ka dhashay ay ka mid noqonayaan guulaha uu qarankani gaadhay.

Waxa uu xildhibaan Ibraahin Mahdi buubaa Sheegay in sidii wanaagsanayd ee doorashadaasi inoogu dhacday ay keentay in beesha caalamka iyo Goob joogayaashi Caalamiga ahaa ee  ka qayb galay qabsoomida doorashaasi ay Somaliland ku hambalyeeyeen sida ay ugu dhiiratay inay ka midho dhaliso nidaamka dimuquraadiyada ee dalkani mudada dheer ku naaloonayay.

HALKAN KA DAAWO: