Mudanayaasha Aqalka Golaha Sare Puntland u Matalaya oo la Doortay

Garoowe – (warsoor) – Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyay doorashada xubnaha maamul goboleedka Puntland u matalaya Aqalka sare ee Baarlamanka Dalka Soomaaliya, iyadoo ay ku loollamayeen 29 Mudane oo Siddeed ka mid ihi ay ahaayeen Haween.

large-15

Tartan adag oo dhex maray Musharrixiinta ka dib, ayaa waxaa kusoo baxay 11 xubnood oo kala ah, Cumar C/rashiid Cali,C/raxmaan Maxamed Maxamuud (faroole),Cabdirizaaq Cismaan Xasan (Juriille) Farxaan Cali Daahir, Cabdisalaan Xaaji Maxamuud dheere,Mahad Daahir Shiikh Nuur,Hodan Maxamuud Cusmaan, Bootaan Barre Samatar, Maxamud Axmed Maxamud Mashruuc, Siciido Xasan Cismaan iyo Shukri Aadan Maxamed.

Puntland ayaa noqonaysa Dowlad Goboleedkii Saddexaad ee soo dhammaystira xubnaha u matalaya Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya,iaydoo ay harsan yihiin maamullada Soomaali-land iyo Hir-Shabeelle oo dhawaan la filayo inay soo dhisaan xubnihii u matali lahaa Aqalka sare ee Baarlamaka Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.