Mudaaharayaal Taageersan Musharixiinta Mucaaridka Soomaaliya oo La Rasaaseeyey

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wararka ka imanaya magaaladda Muqdisho ayaa sheegey in rasaas ooda laga qaaday dibad-baxayaal ay hogaaminayeen musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Rasaaas ayaa ka dhaceysa agagaarka Isgoyska KM4, halkaas oo banaanbax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Midowga Musharaxiin lagu rasaaseeyay.

Bannaan bax ay ka soo bilaabeen dhanka Hotelka Jazeera oo ay horkacayeen Musharaxiinta kala ah C/kariin Guuleed, Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano ayaa rasaas ku bilaabatay markii ay ku soo dhowaadeen agagaarka Isgoyska KM4.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay weerarka xalay lagu qaaday Hotelka ay degan yihiin Madaxweynayaashii hore.

Wuxuuna ku eedeyay dowladda madaxweyne Farmaajo inay weerarkaasi uga gol lahayd in lagu dhibaateeyo madaxdaasi oo ku baaqay dibadbax nabdoon.

Kheyre ayaa ugu baaqay dadweynaha Muqdisho inay isugu soo baxaan dibadbax si ay dareenkooda u cabbiraan.

Dowladda ayaa ku eedeysay maleeshiyaad ka amar qaata madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Sh Shariif ay weearar ku qaadeen fariisimaha ciidammada dowladda.

Ilaa iyo hadda lama ogo khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay dhacay.

Rasaas lagu furay koox dibad baxayaal ah oo ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka wakhtigiisa dhamaaday agagaarka agagaarka koontoroolka KM4

Ciidammada ayaa rasaas ku kala eryay dibad baxayaal ay hogaaminayee hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Mucaaradka ayaa sheegay inay doonayaan inay dhigaan dibadbaxyo nabdoon, balse dowladda ayaa mamnuucday dibadbayxada sababa la xiriira xannuunka Covid19.

Mucaaradka ayaa doonaya in la qabta doorasho si deg deg ah.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.