Milkiilaha Facebook oo sheegay in uu loolan kula jiro Ruushka

Maraykanka – (warsoor) – Milkiilaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg ayaa guddi ka socda golaha aqalka sanatka Maraykanka u sheegay in shrirkaddiisa ay loolan joogto ah kula jirto kooxo Ruush ah oo doonaya in ay danahooda gaarka ah ku fushadaan baraha bulshada.

Mark Zuckerberg ayaa sido kale sheegay ay loolan adag ku jiraan “kooxdaasina ay xeelado hor leh adeegsanayaan”

Zuckerberg ayaa ka jawaabayay su’aalo la xiriira fadeexaddii ka dhalatay macluumaadka shaqsiga ee ay arruursatay shirkadda Cambridge Analytica.

Wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in Robert Mueller uu su’aalo waydiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Facebook.

Mueller waa dacwad oogaha khaaska ah ee baaraya eedaymaha ku saabsan in Ruushku uu farogaliyay doorashadii Maraykanka ee sannadkii 2016kii.

Zuckerberg ayaa intaas ku daray in shaqsiyan uusan ka mid ahayn shaqaalaha Facebook ee ka qaybqaatay baaritaanka uu waday xafiiska Muller.

“Hawsha uu wado dacwad oogaha khaaska ah waa mid dahsoon, waxaana doonayaa in aan caddeeyo in kulan aan cidna ka dahsoonayn aanan ku soo hadal qaadaynin arrin sir ah”.

Xafiiska Muller ayaa bishii Feebaraayo dacwado ku soo oogay 13 ruux oo Ruush ah iyo saddex shirkadood iyaga oo loo haysto in ay farogaliyeen doorashadii Maraykanka ee 2016kii.

 

Xigasho: BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.