Messi oo laga yaabo inuu seego kulanka PSG vs Bayern Munich

PARIS — (WARSOOR) – Weeraryahanka kooxda Paris St Germain Lionel Messi ayaa shaki la galinayaa inuu ciyaari karo lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League ee ay la ciyaarayaan Bayern Munich kadib dhaawac kasoo gaaray muruqa, sida uu sheegay wargeyska L’Equipe ee ka soo baxa Faransiiska.

Messi ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ee kulankii ay PSG 2-1 guuldarro ah kala kulantay Olympique Marseille ee koobka French Cup Arbacadii, laakiin markii dambe waxa uu dareemay xanuun muruqa ah sida lagu sheegay warbixintan.

L’Equipeayaa intaa ku dartay in 35-sano jirkan uu seegi doono kulanka PSG ee Ligue 1 ay maalinta sabtida ah u safreyso AS Monaco, seddex maalmood kahor inta aysan martigelin Bayern.

Kooxda ka dhisan Paris ayaa hore loo shaaciyay inuu kulanka Bayern ka maqan doono Kylian Mbappe kadib markii uu dhaawac bowdada ah ka soo gaaray toddobaadkii hore.