Maxkamadda Sare ee JSL oo si kama danbays ah ugu dhawaaqday natiijadii doorashada Golaha Wakiilada ee la qabtay 31 May 2021

HARGEYSA – (WARSOOR) – Maxkamadda Sare ee JSL waxa ay maanta si kama danbays ah ugu dhawaaqday natiijadii doorashada Golaha Wakiilada ee la qabtay 31 May 2021.

Waxa aan halkan uga mahad celinayaa shacabka i doortay ee igu aaminay inay i igmadaan. Waxa aan idiin ballan qaadayaa inaan si niyad ah oo dhab ah idiin meteli doono.Waxa aan u hanbalyaynayaa Madaxwaynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi, Gudida Doorashooyinka, ardayda jaamacadaha ee sida hawlkarnimada ah u hawlgalay, laamaha amaanka, xisbiyada iyo cid kasta oo qayb ka qaadatay qabsoomidda doorashada.

Guusha u wayn waxa gaadhay dadwaynaha reer Somaliland oo mar kale cadeeyey inay hormood iyo horyaal u yihiin Geeska iyo guud ahaan Afrika. Waxa ay muujiyeen inuu jiro dal Afrikaan ah oo nabad ah, dimoqraadi ah iyada oo aan cidna gacanta hayn. Somaliland waa dal isku tashaday oo isku filan.