Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Xoghayaha Ganacsiga Iyo Warsheddaha Ee WADDANI Ku Amartay Inuu Barri Yimaaddo Maxkamadda

Hargeysa – (WARSOOR)- Xoghayaha Ganacsiga Iyo Warsheddaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Xamse Cabdiraxmaan Khayre, Ayaa Sheegay Inay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Soo Gaadhsiiyey Amar ah Inuu Maxkamadda Gobolka Uu Bari horteedda Yimaaddo, Kadib Dacwad Maddaniya Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Sheegtay Inay U taalo XoghayeXamse Khayre.

Xoghayaha Ganacsiga Iyo Warsheddaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Xamse Cabdiraxmaan Khayre, Ayaa Isagoo Ka hadlaya Amar Ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ku fartay Inuu Bari Yimaaddo Maxkamadda horteedda Wuxuu Yidhi “Waxaa hadda i soo gaadhay amar imaatin (summon) ay ii soo dirtay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex. Maxkamaddu waxay igu wargalisay in dacwad maddani ahi ii taalo maxkamada Gobolka Maroodi-jeex, Siddaas darteed in aan imaad maxkamada horteeda isla beri, saacaddu markay tahay 9:00 Am Subaxnimo”.

Xoghaye Xamse Cabdiraxmaan Khayre kamuu Hadal Ama muu Sheegin Nooca Ama Waxa Ay Ku Saabsan Tahay Dacwadda Maddanigga ah Ee Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ugu Yeedhay Inuu Ka Jawaabo. Hase Yeeshee Xoghayuhu, Wuxuu Carabaabay Inuu Dib Kasoo Sheegi Doonno, Wuxuuna Yidhi “Wixii faahfaahin ah waxaynu kala qaadan markaan Berri ka imaad Maxkamadda Isha Allah”.