Maxkamadda Ciidamada Soomaaliyo oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Eedaysanayaashii Qaraxii Diyaaraddii Daalo

Muqdisho – (warsoor) – Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed ayaa xukuno kala duwan oo iskugu jiray xabsi daa’in ilaa lix bilood oo xadhig ah ku riday 16 eedaysano  oo ka mid ahaa dadkii loo soo qabqabtay qaraxii lala beegsaday diyaaradii Daalo.

maxkamadda_Ciidamada_Soomaaliya

Maxkamadda ayaa xukan gaadhay ka dib markii la soo dhameeyey baadhitaano lagu wadday kooxdan oo iskugu jiray shaqaale ka hawl-galaayey wasaaradda duulista Soomaaliya iyo shirkadda Daalo iyo dadka kale hawlaashi gacan ka gaystay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamadda Soomaaliya Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunkan lagu yaa sheegay in Cabdiwali Maxamuud Macow iyo Careys Xaashi Cabdi oo maqane ahaa ku xukuntay xabsi daa’in.

Cabdiwali Maxamuud Macow oo ahaa madaxii amniga ee hay’adda Duulista iyo Saadasha Hawada ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa maxkamaddu sheegtay inuu mas’uulka ahaa diyaarintii laptopkii lagu qarxiyay diyaarada Daallo Airline.

Careys Xaashi Cabdi oo maxkamadda ka maqanaa ayaa maxkamadu ku heshay in uu katirsanaa Al-shabaab isla markaana ahaa gacantii koowaad ee abaabushay weerarkii diyaaradda Daallo, uuna maalgeliyay dhagartaas ama shirqoolkaas.

Maxkamadda Darajadda koowaad ee Ciiidamadda Soomaaliya waxay Abshir Maxamed Macalin Axmed, Safiyo Cabdilaahi Xasan Cali waxaa ay ku xukuntay afar sano oo xabsi ciidan ah, halka Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi ay ku riday xukun ah min hal sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamadda ayaa sidoo kale waxaa ay xukun min lix bilood oo xabsi ciidan ah ku riday eedaysanayaasha kala ah Bashiir Cabdilaahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Gaashaanle Sare Xasan Shuute ayaa sheegay in maxkamaddu ay dambi ku waday shan eedaysane oo kala Cumar Macalin Calasow, Cali Maxamuud Cabdiraxmaan, Cabdilaahi Cabdiqaadir Abuukar, Ismaaciil Maxamed Xirse iyo Faarax Khaliif Cali Maxamed, sidaasi daraadeedna waxa loo celiyey xoriyaddii.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajadda koowaad ee ciidamadda Soomaaliya Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ugu dambayntii sheegay in dhamaan xukunadda ay gaadhay maxkamaddu uu ka furan yahay racfaan.

weerarkii_Daalo Eedaysanayaasha_weerarkii_Daalo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.