Maxkamada Masar Oo Dib U Dhigtay Xukunka Madaxweynihii Hore Masar Mursi

Masar โ€“ (warsoor) – Maxkamad ku taal Masar, ayaa dib u dhigtay dacwadda madaxweynihii hore ee Maxamed Morsi iyo toban kale oo loo haystay eedo la xiriiray in ay sirta dalka u gudbiyeen wadanka Qatar.

Lix ka mid ah dadka la soo eedeeyay oo afar ka mid ah ay wariyayaal yihiin, ayaa dacwadooda loo gudbiyay Muftiga weyn. Muftiga weyn ayaa go’aan ka gaari doono in xukunkoodu dil yahay iyo in kale.

Morsi oo aan ka mid aheyn lixdaas, horayna dil loogu xukumay, ayaa dhowr maxkamadood soo maray ilaa markii xukunka ay ka tuureen militeriga sanadkii 2013kii.

Maxkamadda, ayaa bisha june u qabatay go’aanka xukunkeeda ee 11ka eedeysane.

Xukunka_mursi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.