Maxay kala yihiin labada hab doorasho ee ay soo bandhigtay Xaliimo Yarey?

Maxay kala yihiin labada hab doorasho ee ay soo bandhigtay Xaliimo Yarey? – BBC News Somali

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa maanta Golaha Shacabka ka horjeedisay khudbo muddo la sugayay, taasoo ku aaddan doorashada lagu wado inay ka dhacdo Soomaaliya.

Xaliimo Yarey ayaa soo bandhigtay laba nooc oo ay u dhici karto doorashada soo socoto, iyadoo sheegtay in nooca ku xusan sharciga doorashooyinka ee dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid waqti iyo kharash badan u baahan.

Nooca koobaad

Gudoomiyaha ayaa tilmaantay in sida ku xusan sharciga doorashooyinka, nooca diiwaangelinta codbixiyaha ay noqoto habka casriga ah ee Biometric-ga, kaasoo u baahan hawlo ay kamid yihiin:

  • In la soo iibiyo qalabka diiwangalinta codbixiyaha
  • In hay’adaha amniga xaqiijiyaan xarumaha lagu diiwangalin karo codbixiyaha ee la sugi karo amnigooda.
  • In la fuliyo wacyigelin balaaran si dadwaynuhu uga qaybgalaan is diiwaangalinta
  • In la geeyo qalabka iyo shaqaalaha diiwangalinta xarumaha diiwaangalinta.
  • In la diiwaangeliyo codbixiyaasha xaqa u leh codaynta.
  • Soo saaridda liiska codbixiyaha ee rasmiga.
  • Qaybinta kaarka aqoonsiga codbixiyaha
  • Diiwangalinta Rasmiga ah ee Xisbiyada Siyaasadda
  • Diiwaangalinta Musharixiinta xildhibaannada.
  • Ololaha Doorashada Xisbiyada.
  • Qabashada Doorashada (maalinta codbixinta)

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habkaasi ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 13 bilood oo ka billaabaysa July 2020 kuna eg August 2021.

Waxa ay intaa ku dartay in habkaasi aan lagu hirgelin karin waqti kooban ee ka harsan doorashada baarlamaanka oo la filayo inay dhacayso 27 November 2020.

Nooca Labaad

Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo bandhigay hab labaad oo ka duwan kan hore, uuna sheegay inuu ka waqti iyo kharashba yar yahay.

Waa habka diiwaangelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta, kaasoo dadka codkooda dhiibanaya lagu diiwaangelinayo gacanta isla maalinta codbixinta iyada oo la adeegsanayo diiwaan qoraal ah.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habkaasi ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 9 bilood oo ka billaabaysa July 2020 kuna eg March 2021.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka dhacdo codbxintii ugu horreysay ee dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan. Xisbiyo badan oo si kumeelgaar ah loo diiwaangeliyay ayaa doonaya inay u tartamayaan doorashadaasi baarlamaaniga ah.

Maxaa laga yiri

Labada nooc ee la soo jeediyay ayaa sida muuqato waxa u xillagooda ka dambeeyaa muddo xileedka baarlamaanka iyo xukumadda hadda jirta. Cabdiraxmaan Cabdishakur, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay ugu baaqayguddiga doorashada inay is casilaan.

“In khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan”, ayuu yiri Cabdiraxmaan cabdishakuur.