Maxay Daarran Tahay Dhaarta Xildhibaannada ee maantu? W/Q Xuseen Cali Nuur

Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo xidhiidhka saaxiibtinimo inta la leh, ee danaynaya in himilada iyo Qaddiyaddeennu ay maalin maalmaha ka mid ah rumowdo, waxay dhawrayeen sida ay ku dhamaato dhaarinta mudanayaasha cusub ee Golaha Wakiilladu.

Waxaan ILAAHA weyn ee ina abuuray, ee marxalad kasta oo na soo marta, xal u helideeda noo fududeeyey, inuu nooga dhigay in maanta ay arrintaasi si fiican u dhamaato, iyadoo aynu Alle ka baryeyno inuu 82ka Xildhibaan ee la dhaariyey ay noqdaan qaar loo aayo mustaqbalka.

Dhaartani waxay 82ka xubnood siinaysaa magac cusub oo Xildhibaan ah iyo xasaanad dastuuriya. Waxay doorteen Guddoomiye iyo laba ku-xigeen oo Golaha Wakiillada hoggaamin doona 5ta sannadood ee soo socda haddii Ilaahay yidhaahdo.

Dhaartani waxay beddeshay aragtidii shalay oo Isniin ahayd ay lahaayeen Xildhibaannadu, waxaanay maanta noqdeen adeegeyaal qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u shaqeeya.Waxay diinteenu ina faraysaa, ina baraysaana inay waajib tahay in wax la is xasuusiyo, maadaama ay xasuusintu anfacdo muuminiinta.

Mudaneyaashu inkasta oo ay og yihiin xilka qaran ee sugaya ee ay u dhaarsan yihiin; waxaan leenahay xilkaasi waa mid u baahan daacadnimo iyo hagar la’aan in loo qabto. In ay ilaaliyaan oo ay sugaan ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka dalka si simman; oo aan lahayn eexasho iyo Caddaalad-darro lagu dhaqmo.

Xildhibaannadu inay dhawraan oo ay tixgeliyaan xurmada taageereyaashu codkooda ku siiyeen ee lagu doortay iyo shacbiga ay u adeegi doonaan. Inay ku ilaaliyaan ammaanada aqoon, caqli fayow, aragti dhow iyo mid dheer iyo kalsooni ku sallaysan diinteenna suuban, dhaqanka wanaagsan, dadnimada iyo dal jacayl.

Inay ka dhawrsanaadaan hormarinta danahooda gaarka ah, maadaama oo ay u dhaarteen ilaalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, amnigeeda, degenaanshaheeda, Caddaaladdeeda, horumarka guud iyo ka warhaynta xaaladda nololeed ee shacbiga.Waxaan leeyahay waxay dhaartani daaran tahay laba arrimood:-

Balanta koowaad oo ah ilaalinta balanta ay la galeen ILAAHA weyn ee na abuuray.

Balanta labaad oo ah ta ay la galeen shacbiga soo doortay.Ku dhaqanka dhaartu cisi iyo Sharaf ayuu siinayaa inta ay ifka ku nool yihiin, aakhirana ILAAHAY wuxuu kaga badbaadin doonaa naarta. Ku xadgudubka iyo ku dhaqan la’aanta dhaartuna wuxuu u yeeli doonaa sifo munafiq; oo ifkana ay ku mutaystaan Sharaf xumo iyo inkaar shacbi, aakhirana cadaab (ILaahay dhammaanteen ha innaga badbaadiyo cadaabta).

Waxaan mar haddii aannu jirin mabaa’di kala duwan oo kala fog oo la idinku soo doortay, mar haddaanay ballamihiinii ku sallaysnaayeen in dalka iyo dadka wax loo qabto-inkastoo aragti kala duwan aad lahaydeen waxa la idinka sugayaa in aad iska ilaalisaan wixii dhalin kara khilaaf danta guud ee dalka waxyeela.

Mudaneyaal waxa tusaale u ah aayo-xumada khilaafka iyo danaysiga gaarka ah ama xisbi noogu filan xaaladda xun ee dalka Maraykanku maanta ku jiro iyo kala fogaanshaha shacbiga oo ka dhashay is afgaran waaga dhex maray Mudaneyaasha labada xisbi (Republican iyo Democratic) ee ku jira Baarlamaanka waddanka Maraykanka, waana in aynu innagu qaadno dariiq ka duwan kaas, kana wada shaqayno midnimada iyo fulinta danaha guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa qoray Suxufi Xuseen Cali Nuur,

Hargeysa, Somaliland.