Maxamed Cali Waxa Ugu Wayne ee lagu Xasuusan Doonaa waa Inuu ahaa Halyeygii Ciyaaraha

USA – (warsoor) –  Laacibkii hore ee feedhka culus  Maxamed Cali oo geeriyooday waxaa lagu xasuusan doonaa sidii uu siyaasadda ugu dhaqdhaqaaasi jiray, siduu ugu wanaagsanaa feedhka iyo sidii uu duniga oo dhan looga jeclaa una nqoday shaqsigii ugu caansanaa qarnigii 20 ee la soo dhaafay.

Maxamed Cali oo Jimcihii ku geeriyooday dalka Maraykanka isagoo da’diisu tahay 74 jir waxa ragaadiyey cudurka gariirka kaasi oo isku dhex daadin jiray hadalkiisa. Waxaanu ahaan mid in muddo ah la tacaalaayey cudurkaasi.

Sida uu sheegay maalinimadii Sabtida afhayeenka qoyska Maxamed Cali dhimashaddiisa waxaa sababay xanuun kaga dhacay sababadda kaasi oo waxyeeleeyay habdhiska neefsashada. Waxaana sababta dhimashadiisa shaaciyey cusbitaalka HonorHealth ee dalka Maraykanka.

(GERMANY OUT) Muhammad Ali (Cassius Clay) Aufn. 5.1976.    (Photo by Horstm?ller/ullstein bild via Getty Images)
(GERMANY OUT) Muhammad Ali (Cassius Clay) Aufn. 5.1976. (Photo by Horstm?ller/ullstein bild via Getty Images)

Afhayeenka qoyska Maxamed Cali Clay, Bob Gunnel loo shir jaraa’id ku qabtay gobolka Arizon ee dalka Maraykanka ayaa yidhi, “Waxay dunidu ku xasuusan doonaa inuu ahaa nin maskaxdii ka hadla oo aan ka baqan inuu qaato fursadaha uu ku muujinaayo qofka uu yahay, wuxu ahaa shaqsi naxariis badan oo dadka caawiyo taasi uu gabi ahaanba badashay dunida”.

Marka laga yimaado xaaladiisii caafimaad ee liidatay, intii uu dhalinyaradda ahaa waxaa uu muujiyey inuu yahay nin awooda badan marka lagu jiro xayndaabka ciyaarta feedhka waxaanay taasi sababtay in malaayiin qof oo caalamka ku nool ay ku ixtiraamaan hal adaygnimadiisii markaa uu ku jir hayndaabka ciyaarta feedhka iyo marka uu ka baxsan yahay.

Marka laga yimaado sumcadiisii dagaalyahanka aan cabsoonin, Maxamed Cali waxaa uu ahaa mid u dhaqdhaqaaha la dagaalanka isir-nacaybka, dagaaladda iyo isku-dul qaad la’aanta diimaha. Waxaa sidoo kale uu tusaale ugu noqday dadka marakaykan-afrikaanka isku kalsooni hal-adeega ku dhisnayd taasi oo laga daday sida uu xuquuqda dadka ugu dhaqdhaaqaaqi jiray wakhtigiisi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.