Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

Hargeysa – (warsoor) – Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Oo Loo Doortay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo doortay madaxweynaha dawladda federaalka ee Somaliland ka dib markii uu hogaanka u qabtay wareegii labaad ee doorashadda oo ay isku soo hadheen madaxweynaha xilka ka dagaya iyo Shariif sheekh Axmed.

Doorashaddan oo ahayd mid layaable waxaa wax weyn iska badlaay markii wixii la filaayo iyo wixii soo baxay ay aad u kala tageen xiligii lagu jiray tirinta codadka. Doorashadan oo ay u codaynayeen 328 xildhibaan oo ka kooban labadda aqal. Farmaajo ayaa helay codad gaadhaya 184 cod, madaxweynihii hore ayaa helay 97 cod, halka Sheekh Shariif uu isna helay 46 cod.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamed ayaa ka tanaasulay inuu u tartamo wareega 3-aad, waxaana sidaasi ku guulaystay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey baarlamaanka hortiisa ayaa hambalyeeyey madaxweynaha cusub, waxaanu ummada Soomaaliya kula taliyey inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub ee la doortay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa lagu dhaariyey goobta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.