Maxaabiista laga soo celiyey Liibiya oo ka hadlay arrimo qiiro leh

Muqdisho (WARSOOR) Muuqalkooda guud waxaa ka muuqda dayac iyo dhibaato badan, balse waxa ay muujinayaan niyad wanaagsan maadaama ay heleen Qaran iyo Dowlad u soo gurmata sida ay warbaahinta u sheegeen.

Maxamed waxa uu ka mid yahay  11-ka Qof  ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka soo deysay xabsiyo ku yaalla dalka liibiya, halkaas oo dhibaatooyin kala duwan ay ku heysteen.

Warbaahinta ayuu u sheegay in dhibaatooyinkii kusoo maray dalkaas Liibiya ay si weyn u wax yeeleeyeen hankiisa iyo nolashiisa, balse maanta uu ku suganyahay mid taas ka duwan.

“Markii xabsi shisheeye adiga oo ku jira ay kuu yimaadaan masuuliyiin ka socda dalkaaga, waxa aad  dareemaysaa in aad leedahay dowlad kaa warqabta oo dhibaatada kaa soo saari karta, taasina waxa ay ka qiima badantahay hanti waxa adduunka yaalla.” Ayuu yiri

Dadkan 11-ka qof ah ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah qoys ka kooban 6- qof  oo qaar ay carruur yihiin, dhammaantoodna ay ku jireen xabsi ku yaalla dalka Liibiya.

Aabaha qoyskan ayaa isaga oo ilmeynaya waxa uu sheegay in uu uga mahad celinayo Madaxda Dowladda Federaalka ah sida ay uga soo saareen godka mugdiga ah ee ay ku jireen isaga iyo carruurtiisu.

Sidoo kale, waxa uu ka warbixiyey dhibaatooyin kala duwan ee lagu hayo dadka Soomaalida ah markii ay gaaraan dalka Liibiya, isagoona sheegay in si murugo badan ay u geeriyoodeen dhallinyaro wax badan tari lahaa dalka.

Inkasta oo  ay hor dhac tahay, hadana dib u soo celinta dadkan  waxa ay noqotay mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada, iyadoona si gaar ah loogu boggaadinayo Madaxaweyne Maxamed Cabullaahi Farmaajo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo iyo sida uu ugu jiheeyey Xukuumadda in ay deg deg wax uga qabato dhibaatada dhallinyarada Soomaaliyeed ku haysta dalka Liibiya.

XIGASHO: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.