Mawjado Taageerayaal KULMIYE ah oo Gabiley ku soo Dhaweeyey Weftiga Madaxweyne-Ku-xigeenka ee Xisbiga

Gabiley – (warsoor)- Mawjado ka tirsan shacab-waynaha ku dhaqan magaalada Gabiley, ayaa mahaaraad ay isugu soo baxeen magaalada Gabiley iyo jidka dhanka galbeed uga baxa ku soo dhaweeyey wefti culus oo xisbiga KULMIYE ah oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), kuna wehelinayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi oo socdaal shaqo maalmihii u dambeeyeyba ku marayey gobollada galbeedka Somaliland.

Weftiga xisbiga KULMIYE oo kasoo kicitimay magaalada Boorama saaka, kaas oo murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE ay ku wehelinayaan Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha wakiillada Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, xubno ka mid ah hoggaanka KULMIYE, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo saraakiil sare oo ku jira xisbiga iyo xukuumaddiisa, ayaa maanta markii soo gaadheen degaannada Gobolka Gabiley ee dhanka galbeed ay ku qaabileen madaxda heer gobol iyo degmo ee xisbiga iyo xukuumadda, salaadiin iyo waxgaradka bulshada, kuwaas oo u soo galbiyey deegaanka Kala-baydh oo ay ku soo dhaweeyeen boqolaal shacabka ku dhaqan ah, kadibna waxa halkaasi kala hadlay Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha KULMIYE oo uga mahadceliyey sida diirran ay u qaabileen.

Intaa kadib waxa weftiga KULMIYE la kulmeen kumanaan dadweynaha ku dhaqan Gabiley oo jidka galbeed ee magaalada safaf dhaadheer u istaagay sidii ay u soo dhawayn lahaayeen madaxda xisbul-xaakimka, kuwaas oo iyagoo lulayey caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE soo bandhigay heerka taageerada luxdan ee ay u hayaan

xisbiga iyo murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay diyaar u yihiin inay u doortaan hoggaaminta qaranka doorashada Madaxtooyada u qorshaysan 13-ka bisha November ee sannadkan 2017.

Taageerayaashan oo sida mawjadda u socday, ayaa weftiga u soo gelbiyey dhinaca gudaha magaalada Gabiley, iyagoo xubnaha weftiguna lug ku soo mareen masaafo dheer oo jidka wadnaha ee badhtamaha magaalada dhexmara xilli ay hareeraha ka socdeen kumanaan katirsan taageerayaasha xisbigu ilaa ay gaadhayeen fagaaraha Khayriyada Gabiley oo ahayd xudunta la isugu biyo-shubtay oo masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ay khudbado uga jeediyeen shacabka soo dhaweeyey.

Maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan magaalada Gabiley oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadnaqay shacabka reer Gabiley taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, waxaanay bulshada ku adkeeyeen inay u diyaar-garoobaan sidii ay codkoodana u siin lahaayeen murrashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxdhaqameedka Gobolka Gabiley oo ay ka mid yihiin; Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Xuseen Aw Muuse, Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar iyo Boqor Muxumed Geelle Seed oo iyaguna madashaasi ka hadlay, ayaa bulshada reer Gabiley kula dardaarmay inay garabgalaan waxqabadka xukuumadda KULMIYE, isla markaana ay mar labaad u doortaan xisbiga si uu waxqabadkaasi u  noqdo mid halkiisa laga sii ambo-qaado.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Md. Xamse Maxamed Cabdi iyo Maayarka degmada Gabiley Md. Maxamed Ammiin Cumar, ayaa iyaguna shacabka gobolka Gabiley uga mahadceliyey siday u soo dhaweeyeen weftiga xisbiga KULMIYE, waxaanay ku bogaadiyeen taageerada aan kala hadhka lahayn ee ay u muujiyeen.

Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha Md. Maxamed Aw Daahir, Warshadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse iyo Ganacsiga Md. Cumar Shucayb, Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Dayr) iyo weliba xubno siyaasiyiin iyo haldoor magac iyo miisaan ku dhex leh xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin; Cabdicasiis Maxamed Samaale, Jamaale Cali Xuseen, Cali Maxamed Waran-cadde iyo saraakiil kale oo ka hadlay fagaaraha khayriyada, ayaa dhammaantood uga mahadceliyey dadweynaha reer Gabiley sida qiimaha iyo qadarinta leh ee ay bannaanka u soo dhigeen taageerada KULMIYE, waxaanay isku raaceen in isu soo baxan iyo taageeradan reer Gabiley muujiyeen ay marag u tahay sida uu xisbigu u hantay quluubta shacabka oo ku qancay waxqabadka xukuumaddiisu ka hirgelisay dalka muddo-xileedkeedii hore iyo aragtida siyaasadda cusub ee ay wadaan murrashaxiintiisa cusub ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenku.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Xildhibaan Cali Gabiley, Xildh. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe iyo Xildh. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo iyaguna kamid ahaa xubnihii halkaas ka hadlay, ayaa si ballaadhan uga mahanaqay soo dhaweynta reer Gabiley u muujiyeen xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana ay shaaciyeen inay Gabiley kamid tahay goobaha guusha doorashooyinka Somaliland laga saadaaliyo.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu u jeediyey shacabka reer Gabiley mahadcelin kadib, waxa uu ka hadlay hannaanka nololeed ee shacabka Somaliland soo mareen, horumarka loo baahanyahay in waddanku ku tallaabsado iyo sidii looga midho-dhalin lahaa.

Md. Muuse Biixi waxa uu xusay inay gobollada galbeedka dalka oo Gabiley kamid tahay looga baahanyahay inay isu diyaariyaan hoggaaminta dalka oo ay horseed u noqdaan sidii hormar waddanku uga gaadhi lahaa dhinacyada beeraha iyo wax-soo-saarka, waxaannu yidhi, “Haddii aynu gobollada Galbeedka nahay waxa inagu waajib ah inaynu wax-soo-saarka si cilmiyan ah ugu dhaqaaqno, waxaynu kasii baxaynaa noloshii reer-guuraaga ahayd, waxaanaynu ku jirnaa noloshii beeralayda ahayd, waana inaynu qaranka u horseednaa noloshii warshedaynta, haddii Siimoodi la qodayo oo macdan laga soo saarayo iyo haddii banka Wajaale beero raashinkooda mishiinno la geliyo laga soo saarayoba.”

Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Murrashaxa jagadaasi mar labaad ee xisbiga Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shacabka reer Gabiley ku bogaadiyey taageerada miisaanka culus ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE, waxaannu ku dheeraaday waajibaadka dhinaca caddaaladda iyo sinnaanta bulshada ka saaran isaga iyo murrashaxa Madaxweynaha ee KULMIYE haddii ay talada dalka ku guulaystaan, “Maanta nasiibkaa keenay annaga oo  laba nin oo gobollada Galbeedka kasoo jeednaa in aannu hoggaanka KULMIYE u sharraxannahay, waxaannuna noqon doonnaa Mishiinka jiidaya Somaliland, culays baana na fuulaya iyo xil gaar ah oo ah inaannu umadda Somaliland midayno, meel isugu keenno oo aannu caddaaladoodda iyo horumarkooda ka shaqayno, idinkana waxaannu idinka rajaynaynaa in sida maanta idinka muuqata iyo si kasii fiican maalinta codka aad noogu gelbisaan, wax shaki ahina igagama kiin jiro,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.