Masuuliyiinta Sare Ee Ciidanka Dab-demiska oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Mashruuca Mashruuca UN-JPLG iyo Duqa Caasimada Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa maanta Taliska Ciidan dab-demiska Qaranka ee Magaalada Hargeysa kulan ku wada yeeshay saraakiisha ciidanka Dab-demiska  , Duqa caasimada iyo Deeq bixiyayaasha mashruuca UN-JPLG, kulankaas oo lagaga wada hadlayay isla markaana laysla eegayay faaidooyinkii laga dheefay Wajiyadii Koowaad iyo Labaad , Mashaariicda Muhiimka ay tahay in fuliyo, sidii loo bilaabi lahaa Wajiga Saddexaad Ee Mashruuca iyo Qorshayaal kale oo badan.

Waxaa Kulankan si gaara layskula soo qaatay faa’idooyinka ciidank a Dab-demisku ka dheefay Mashaariicda JPLG gaar ahaan Labada  Mashruuc  ee kala ah Xarunta Degmada Ibraahim Koodbuur iyo Degmada Maxamuud Haybe iyo Waxybaaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka u Qabsoomay muddadii uu jiray.

Waxayna sidoo  kale Labada Dhinac ka wada  hadleen mashaariicdii hore ay u maal galiyeen iyo kuwa haatan socda sidii loo sii dardar galin lahaa mashaariicda horumarineed ee UN-JPLG .

Waxaa iyaguna kulaankaa qayb ka ahaa Duqa Caasima Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, Taliye Xigeenka Ciidanka Dab-demiska,Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska, iyo Masuuliyiin kaloo Ka Tirsan Dawlada Hoose Hargeysa.

Ugu horayna waxaa halkaa hadal kooban ka jeediyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Axmed Maxamed Xasan [Sawaaxili] oo sharaxay halka ay marayaan Labada Mashruuc ee koodbuur iyo Maxamuud Haybe,waxaana Taliyuhu Sheegay in Ciidanka Dab-demiska iyo Bulshadaba Muhiim u tahay Ballaadhinta iyo Tayaynta Ciidanka Dab-demiska Caasimada taasi oo u baahan in dhamaan la gaadhsiiyo Dab-demiska Degmooyinka Caasimada iyo Guud ahaan Dalka. Taliyaha ayaa uga Mahadnaqay Saraakiisha UN-JPLG sida ay iskaga Xil saareen inay muhiimada saaraan Qaybaha Muhiimka ee Bulshada.

Mashruucan UN-JPLG ayaa badanka xooga saara Maamul daadejinta Degmooyinka Dalka, waxaana mashaariic badan uu ka fuliyay Degmooyinka Dalka.

Ugu dambayn waxaa Saraakiisha ka socday Mashruucan JPLG ay dhankooda uga mahadnaqeen ciidanka Dab-demiska waxaanay Tilmaameen in ay sii kordhin doonaan mashaariicda iyo wada shaqaynta ciidanka dab-demiska, maadaama labadii mashruuc ee ciidanka dab-demiska ugu jiray mashruuca JPLG ay sidoo u socdaan una hirgaleen, ayna muhiim tahay in kor loo qaado Ballaadhinta iyo fidinta Dab-demiska ee Degmooyinka Caasimada iyo Dalkoo dhan Iyo in la helo mashaariic kale oo intan ka badan isla markaana bulshada Faa’ido u leh.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland.

990/ Emergency Call

Hargeisafire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.