Markabkii afduubka loogu heystay xeebaha gobolka Bari oo la sii daayay

Soomaaliya- (warsoor)-Markab xamuul ah oo ay afduub u heysteen dableey hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in la sii daayay fiidnimadii xalay.

 Odayaasha deegaanka Caluula ayaa sheegay in ay dableyda ku qanciyeen in ay sii daayaan markabka iyo shaqaalaha saaranaa, iyadoo an la siinin wax lacag ah iyo madax furasho doona  .

Markabka oo siday shidaal ayaa kooxahan hubeysani waxa ay Isniintii ka qafaasheen xeebaha gobolka Bari.

markabkan oo noociisu ahaa ARIS 13 aya waxaa laga afduubtay xeebaha somaliya.

Afduubka markabka ayaa ah kii ugu horeeyay ee xeebaha Soomaaliya ka dhaca muddo 5 sano ah.

Dableyda afduubatay markabkaasi ayaa ku andacootay in ay yihiin kalluumeysato dhibaato badan kala kulmay maraakiibta sidda sharci darrada ah uga jillaabata xeebaha oo jariif ba’an ku ahaya xeebaha somaliya .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.