Mareykanka Oo ka Hadlay Ciidamada Milatariga Eritrea Oo ku Laabtay Gobolka Tigrey

ITOOBIYA – (WARSOOR) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony John Blinken waxa uu sheegay inay Milliteriga Eritrea dib ugu laabteen Waqooyiga dalka Ethiopia, oo ay horey u soo baxeen bishii June ee la soo dhaafay.

Hadal-qoraal oo uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka soo saaray waxa uu walaac kaga muujiyey Ciiddanka Eritrea ee dib loogu daad-gureeyeey Gobalka Tigrayga ee ay ka dhaceen dagaalladii ugu xumaa.

Arrintan ayaa waxay ku soo beegantay, kadib, markii ay Dowladda Maraykanka cunaqabatayn ku soo rogtay Taliyaha Guud ee Ciiddanka Eritrea, Jeneral Gerezgheri “Wu Chu”, kaasi oo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa dagaalladii iyo gaboodfalkii ay Ciiddanka Eritrea ka geysteen Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia.

Dhinaca kale, Midowga Europe “EU” ayaa ka hadlay inay ciiddamo Eritrean ah dib loogu celiyey Hawlgalka dagaal ee ka socda Waqooyiga Ethiopia.

Qoraal ay Diplomaasiyiinta Midowga Europe qoreen bishan 20-dii oo loogu talagalay Gudaha xafiisyada ayey Wakaalladda Wararka REUTERS aragtay.

Qoraalkaas waxaa lagu muujiyey inay Eritrea ciiddamo Xoojin ah (Rreinforcement forces) ka gudbeen Xuduudka, kaabiga ku haya Gobalka Tigrayga.

Dukumentiga EU-da waxaa kaloo ku qornaa in Ciiddamo Eritrean oo aad u hubeysan mar hore loo diray Qeybta Galbeed ee Gobalka Tigrayga.

Qoraalka waxaa lagu bidhaamiyey in Ciiddankaasi oo ku hubeysan Taangiyo iyo Madaafiic ay goobo Difaac ka samaysteen nawaaxiga ku hareeraysan Degmooyinka Adi Goshu and Humera ee Gobalka Tigrayga.

Horey, RW Ethiopia, Abiy Ahmed Ali waxa uu bishii March 23-dii ee sanadkan sheegay inay Ciiddanka Eritrea dib uga laabteen dalkooda hooyo, kadib, markii ay Ciiddanka Federalka Ethiopia ku taageereen Dagaalka Tigrayga oo bilowday bishii November 4-dii ee sanadkii hore.