Mareykanka oo cunaqabateyn ugu hanjabay Madaxda Soomaalida

Maraykanka – (Warsoor) – Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu cunqabateyn saarayo Soomaaliya, haddii waqtiga loo qabtay doorashada ay sii jiidanto.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in 8-dii Febaraaayo markii uu dhamaaday muddo xileedka Farmaajo uu Mareykanka diyaar u noqday inuu qaado tallaab walba oo ay ku jiraan xayiraada Visaha, si ay uga jawaabto dib u dhaca dheeraadka ama falalka wax u dhimaya hufnaanta Geeddi socodka doorashada

Mareylanka ayaa dhowr jeer soo saaray qoraalo isdaba joog ah oo uu ugu hanjabayay hoggaamiyeyaasha Soomaalida si aysan dib ugu dhicin doorashada, hayeeshee qoraaladaasi aan waxba laga soo qaadin.

Dhawaan waxaa Magaalada Muqdisho Golaha wadatashiga ay ugu heshiiyeen in inta u dhaxeysa 15-ka Bishaan ilaa 25 Bisha Febaraayo lagu soo grba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka balse dad badan ay qabaan inaan lagu dhameyn karin.