Mareykanka: Gobolkii ugu horreeyey oo mamnuucay TikTok

HELENA – (WARSOOR) – Montana ayaa Arbcadii noqday gobolkii ugu horreeyey ee Mareykanka ah oo mamnuuca TikTok, ayada oo sharcigan uu dhaqan-geliyo sanadka xiga, xilli ay xoogeysatay doodda la xiriirta saameynta iyo amniga app-kan caanka ah.

Mamnuucista, oo uu saxiixay barasaab Greg Gianforte, ayaa tijaabo sharciyeed u noqon doonta haddii app-kan laga leeyahay Shiinaha laga mamnuuci karo dalka oo dhan, taasi oo sharci-dejiyayaasha Washington ay ku baaqayaan.

“TikTok kama howlgali karo dhulka sharciyeed ee Montana,” ayaa ku qoran nuqul ka mid ah sharciga oo lasoo dhigay website-ka gobolka Montana.

Mamnuucista ayaa ka dhigaysa in sharciga la jebiyey mar kasta “oo qof uu furo TikTok, ama uu helo oo awood uu ku geli karo TikTok, ama la siiyo awoodda uu kusoo degsan karo TikTok.”

Jebin kasta oo lagu sameeyo sharciga waxaa ka dhalanaya ganaax $10,000 maalin kasta oo xadgudubkaas uu dhaco.

Sida ku qoran sharciga, Apple iyo Google waa inay app-ka TikTok ka saaraan halka lagala soo dego, haddii kale waxay ay wajihi karaan ganaax maalinle ah.

Tallaabadan ayaa waxaa hubanti ah in sharci ahaan laga horiman doono.

Hoggaamiyayaasha gobolka “waxay caburiyeen xoriyadda hadalka ee boqolaal kun oo reer Montana ah oo app-kan u adeegsada inay isku muujiyaan, ku helaan akhbaar, islamarkaana ku ganacsadaan, sababo la xiriir guux ka dhan ah Shiineeska,” waxaa sidaas yiri agaasimaha qeybta siyaasadda Montana ee xarunta xuquuqda madaniga ah ee ACLU.

Mamnuucistan ayaa dhaqan-geleysa 2024, balse waa la baabi’in doonaa haddii TikTok ay la wareegto shirkad ka diiwaan gashan Mareykanka, oo aanay dowladda Mareykanka u arkin cadow dibadeed.

TikTok ayaa sheegtay in dastuur ahaanta mamnuucistan ay go’aan ka gaari doonaan maxkamadaha.

Mamnuucistan ayaa ah dagaalkii ugu dambeeyey ee loolan xooggan oo u dhaxeeya TikTok iyo qaar ka mid ah dowladaha Reer Galbeed, ayada oo horey app-ka looga mamnuucay aaladaha dowladaha Mareykanka, Canada iyo qaar ka mid ah Yurub.

App-ka TikTok, oo ay leedahay shirkadda Shiineeska ah ee ByteDance, ayaa siyaasiyiinta Mareykanka waxay ku eedeeyeen inuu ku shaqeeyo amarka dowladda Shiinaha, islamarkaana uu aalad basaas u yahay Beijing, taasi oo shirkadda ay si xooggan u beenisay.