Mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera oo Soo Dhaweeyey Go’aankii Xukuumadddu ku Joojisay Shidaalkii ka Iman Jiray Waddamada Jaarka

Hargeysa – (warsoor) – Maareeyaha haamaha shidaalka Berbera Md. Xasan Ibraahim Abmasii ayaa sheegay inuu soo dhaweynaayo go’aankii xukuumadda Somaliland ay ku joojisay shidaalkii inooga iman jiray waddamada jaarka kaasi oo la sheegay inay ku badan tahay sun caalamka ka mamnuuc ah.

Mareeyaha ayaa sidoo kale ku wargeliyey booyadaha shidaalka ka qaada haamaha keydka shidaalka ee Berbera inay maalinta Sabtida oo ah xuska 18 May iyo Maalinta Axaddaba ay yihiin maalmo fasax ah.

Mareeyaha ayaa u digay booyadaha shidaalka qaada oo sheegay in haddii booyahaa lagu qabto shidaalkaa la joojiyey ee dalka laga soo galiyo waddama jaarka ah in la gaanaaxi doono ama shidaalka lagala wareegi doono ciddii u hogaansami weyda go’aanka xukuumadda ee lagu joojiyey shidaalkaas.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee guddoomiyaha haamaha shidaalka Berbera:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.