“Mar haday 14 jirsatay SONYO oo ay gaamurtay, oo dhalinyaradeedii Maanta Yihiin Rag Bisil oo Wax Garad ah, Waa laga filayey Tanaasulka” Wasiirka Madaxtooyada JSL

Hargeysa  – (warsoor) – Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa habeenkii xalay casuumad ku maamuusay Hogaanka iyo Golaha sare ee cusub ee dalladda SONYO.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa casuumadaasi ka jeediyey khudbad uu ku bogaadinayo  qabashada  Shirweynaha 8aad ee dalladda SONYO iyo midhalka shirkaasi, isaga oo sheegay inuu yahay guul weyn oo qaranka Somaliland u soo hoyatay.

casho sharafeedaasi ayaa waxa ka soo qayb galay Xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Yaasiin Faratoon, Wasiirdawlaha beeraha Cabdiqaaxid Cabdiqaadir,  Maayarka caasimada Cabdiraxmaan SOLTELCO, hogaanka cusub ee SONYO, iyo qaar kamida gudoomiyeyaashii hore ee daladaasi, waxay xalay ka dhacday Hotel samertime ee Hargeysa.

Mudane Maxamuud Xaashi oo caasuumadaasi ka hadlay ayaa yidhi  “ Hogaanka iyo Golaha sare ee dallada SONYO, waan idiinku hambalyeynayaa qabashada  Shirweynaha 8aad ee dalladda, waxa aan qabaa inaad muujiseen bisayl iyo horumar weyn, waxaan ka mid ahaa dadka aadka ugu werwersanaa shirweynaha SONYO. Xukuumad ahaanba dareenkeeda waanu lahayn maadaama xili adag oo siyaasadeed lagu jiro oo tartan adagi dalka u soo socdo, oo hogaankii wadanka u sareeyey lagu tartamayo. Shirweynaha SONYO-na sadex bilood ka horeeyo, welwel baanu qabnay runtii hadii doorashadaasi inaga xumaato inay muuqaal xun muujin doonto, meesha dhalinyaradeedii is qabatay, waxba ku heshiin kari wayday, ama hadii ay kala guulaysatay ay isu tixgalin kari wayday oo ay najiitooyinka u hogaansami waayeen, waxaanu qabnay inay sawir xun Somaliland ku noqonayso, inay niyad xumo u horseedi karto sawirka uu yeelanayo doorashooyinka Somaliland ku soo socda.”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay muhiimada qabashada  Shirweynaha 8aad ee dalladda SONYO ay qaranka Somaliland ugu fadhido waxaanu yidhi “ Waxaan aaminsanahay inaad xil badan naga furateen, waxaan aamin sanahay inaad idinkuna magacii  dalladda SONYO ee dhalinyarada Somaliland ay ku midays nayd aad bad-baadiseen, waxaan aaminsanahay magaceenii, xurmadeenii iyo xushamadeenii qaran ahaan aad dhawrteen. Maaha tanaasulka oo kaliya, laakiin in la tartamo ayaa caafimaadku ku jiraa, laakiin waxa muhiim ah in si hufan oo bisayl leh loo tartamo oo la garwaaqsado najiitada soo baxda. Mar haday 14 jirsatay SONYO oo ay gaamurtay, oo dhalinyaradeedii maanta yihiin rag bisil oo wax garad ah, waa laga filayey tanaasulka, inay heerkaa gaadhaana wax weyn ayey ahayd, waanu idinku amaanaynaa, arrintaasi wax weyn ayey ahayd.”

Ugu dambayntii Wasiirka Madaxtyooyada ayaa ka hadlay hogaanka ku soo baxay doorashadii Shirweynaha 8aad ee dalladaasi waxaanu yidhi “ Waxaan jecelahay inaan halkan ka hambalyeeyo Cabdicasiis Xirsi Warsame, oo ah labadii murashax ee tartamayey mid ka mida oo tanaasulay, waliba nabar horena qabay, waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo, go’aan geesinimo leh ayuu qaatay, raganimadu waa intaa, qofku inuu tanaasuli karro oo han uu leeyahay uu ka hadhi karo, iyo in iyadoo laga adkaaday uu aqbali karo. Qofna guusha uma dhalan haday siyaasad tahay iyo haday xil tahayba. qofka tanaasulo ayuubaa dhito iyo dhaxal hela. Waxa kale oo aan isna hambalyeynayaa gudoomiyaha cusub Cabdicasiis Saciid Saalax, isagana waan ku hambalayenayaa xilka culus, waxaan leeyahay ILAHAY (SWT) ha kugu garab galo, dardaankii lagu siiyey ee SONYO waa midaysan tahay na waan la qabaa, nin dhalinyaro ah ayaad tahay inaad oday u noqoto oo aad isku wado ayaa lagaga baahan  yahay, Gollaha sare ee lagula soo doortayna hambalyo ayaan leeyahay, guul ayaan idiin rajaynaa dhamaantiin.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.