Mane: Ma Jiro Xiddig Haatan Ka Fiican Mohamed Salah Laakiin Halkan Arin Aniga Iguma Gaadho

Xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa shegay in uu xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah yahay xiddiga ugu fiican kubada cagta adduunka wakhti xaadirkan.

Mohamed Salah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan taas oo keentay in loo saadaaliyo in uu ku guulaysto xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedkan.

Mane ayaa la waydiiyay in uu Mohamed Salah u arko xiddiga ugu fiican sanadkan waxana uu yidhi”Ma ii sheegi kartaa xiddig ka fiican haatan? jawaabtu waa maya, todobaad walba waxa uu isku muujiyaa garoonka dhexdiisa, ma sheegi karo xiddig ka fiican haatan”.

“Mohamed Salah kaliya ma dhaliyo goolal laakiin sidoo kale waxa uu caawiyaa goolasha sidaas darteed nasiib ayaan leenahay hadii uu kooxdeena joogo”.

Mane oo sheegay halka uu isagu kaga fiican yahay Salah ayaa yidh”Laakiin Anigu waan ka orod badanahay isaga halka orodkana iguma gaadho”.