Manchester United oo warbixin rasmi Ka saartay Warsi uu Bixiyey Cristiano Ronaldo

Manchester United ayaa soo saartay warbixin rasmi ah ka dib wareysigii saxaafada qabsaday ee uu Cristiano Ronaldo siiyay Piers Morgan.

Warbixin ay kooxda soo saartay ayaa lagu yidhi: “Manchester United waxay ka warqabtaa sida ay warbaahinta uga hadleyso wareysigii Cristiano Ronaldo. Kooxda waxay ka fiirsaneysaa jawaabtii ay ka bixin laheyd ka dib marka xaqiiqda oo dhameystiran la ogaado.