Manchester City Oo Diiday Kaadhkii Casaa ee Loo Taagay Ciyaaryahankooda Fernandinho

Manchester City – (warsoor) – Xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa soo diiday rafcaan ay Manchester City ka qaadatay kaadhkii casaa ee Fernandinho uu qaatay kulankii Burnley wuxuuna xidiga ree Brazil maqnaan doonaa afar kulan. Fernandinho ayaa kaadhka cas oo toos ah ku qaatay kadib markii qalad laba lugood ah ku galay xidiga kooxda Burnley ee  Johann Berg Gudmundsson.

Fernandinho ayaa dhawaan ka soo laabtay ganaax saddex kulan ahaa kadib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii Chelsea balse sida uu sharciga FA-gu dhigayo ciyaartoyga xili ciyaareedkii laba jeer qaata kaadhka cas ayaa hal kulan oo ganaax ah lagu kordhiyaa.

Qoraalka FA-ga ka soo baxay ayaa lagu yidhi: “Fernandinho waxa uu mari doonaa afar kulan oo ganaax ah oo isla markiiba dhaqan galaya kadib markii maanta oo arbacaha ah January 4, 2017 la soo diiday sheegashadiisii ahayd in si qalad ah kaadhka cas loo siiyay kadib markii ay dhagaysteen guddida joogtada ah ee madaxa banaani”.

Fernandinho ayaa seegi doona kulanka FA Cupka ee ay Manchester City la ciyaari doonto kooxda West Ham United wuxuuna sidoo kale seegi doonaa kulamada muhiimka ah ee Everton iyo Tottenham si la mid ah kulanka Premeir Leaque-ga ee ay Manchester City markale la ciyaari doonto West Ham United.

Xigasho: Laacib

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.