Maleeshiyo beeleedyo Ka soo Jeeda Puntland iyo Galmudug oo dagaal ka dhex qarxay

Galmudug – (warsoor) – Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay ilaa 10 qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay bariga gobolka Mudug, sida ay shaacisay wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna.

Dagaalkan ayaa dhex maray laba maleeshiyo beeleed wadda degga deegaanka oo kala taabacsan maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Madaxdhaqameed iyo masuuliyiin is xilqaantay ayaa bilaabay dadaal ay isku dayayaan in nabad lagu soo dabaalo deegaanka dagaalku ka dhacay.

Maamul Goboleedyadda Galmudug iyo Puntland ayaan wali ka hadlin dagaalkan ka qarxay deegaanadda Bariga Gobolka Mudug.

Dagaalo u dhaxeeya labada maamul iyo maleeshiyo beeleedyo kala taabsan ayaa dhawr jeer oo hore ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.