Magaaladda Hargeysa Dhul Laga Dhisaayey Guri oo Lag Helay Xabaal-wadareed

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa shalay magaaladda Hargeysa dhul jago la jeexaayey laga soo saaray 7 qof qalfoofkoodi waxaana ku jiray caruur, sida ay sheegtay gabadha guriga loo disaayey oo warbaaahinta la hadashay.

Dadkan ayaa la soo saaray guri seeskiisa laga qodaayey xaafad dhinac Koonfur-bari ka xigta huteelka Dalxiis ee magaaladda Hargeysa. Shaqaalihii qodaayey seeskaasi ayaa sheegay inay arkeen qolfoofkan dadkan waxaanu ku wargaliyeen dadkii guriga loo dhisaayey.

Gabadh ka mid ah reer guriga loo dhisaayo oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in maydkan ay maalinimadii Jimcaha arkeen waxaanay sheegtay inay askar guriga agmaraysay ay ku wargaliyeen.

“Shalay uun baan aragnay maydadkan markii guriga seeskiisa la jeexayay, laba nin oo boolis ah Ayaan u sheegnay waa laydin imanayaa ayay nagu dheheen ilaa hadana cid noo timi ma jirto oo qaaday maydankan,dadkan waa todoba ruux oo caruuri ku jirto sida aan ku aragnay madaxyada dadka,xu kumadda iyo mamulk dawlada hooseba waxaan ugu baaqaynaa in nalaga qaado maydka oo la aaso waxana u malaynaynaa inay yihiin dadkii la xasuuqay 1988, waxaaba nagaga sii daran caruutii iyo dumarkii ayaa looga tag la’ yahay oo uso daawasho tagay maydadkan markaa xukumadda waxan leanahay hanalaga qaado maydadaka oo la aaso”sidaasi waxaa tidhi Farax Faarax Cali oo ka mid ah qoyska guriga loo dhisaayo.

Qolfoofkan todobadan qof ee la helay ayaa la aaminsan yahay inay ka mid yihiin dadkii la xasuuqay xiligiidadka goboladda Waqooyi-galbeed daga la xasuuqaayey.

Xukuumadda Somaliland ayaan wali ka hadlay qolfoofkan laga helay xaafad ka mid ah magaaladda Hargyesa.

qalfoof

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.