Madaxwyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Burco Ku Dhagax dhigay Mashaariic badan

BURCO – (WARSOOR) – Madaxwyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) oo ku sugan Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa Dhagax dhigay Mashaariic badan oo ay kamid ahaayeen Saddex waddo oo mara Gudaha Magaalada Burco, Dhismaha Maktabada qaranka ee Gobolka Togdheer, iyo Dhismaha Cusub ee Jaamacada Togdheer.