MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY KADDIB SHIRKII MADAXDA JAAMACADDA CARABTA

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo hor-geeyey Shir-madaxeedka dalalka Carabta doorka ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan walaalahooda Carbeed ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kula kulmay madasha shirka uu ku qabsoomay hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo madaxda Ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay, isagoo uga warbixiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u socdaan abaabulka wadajirka ah ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Aljeeriya oo haatan ah Madaxa Jaamacadda Carabta Mudane Cabdul-majiid Tabuun. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdul-fataax Al-siisi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Madax kale, si uu u xoojiyo diblumaasiyadda Soomaaliya iyo xaqiijnta danaha Qarankeenna.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so