Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan La Yeeshay Dan-jirayaasaha Somaliland u Jooga Caalamka

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay 10 ka mid ah danjirayaasha Somaliland u jooga dalka dibaddiisa, waxaanu xog-waraysi kala yeeshay hawlaha uu u igmaday.

Kulankan oo ahaa mid ay warbaahintu dibadda ka joogtay, waxaa markii uu kulanku soo dhamaaday warbaahinta la hadlay Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxaanu ka warbixiyey waxaa uu ahaa kulanka madaxweynuhu la yeeshay dan-jirayaasha Somaliland u jooga caalamka.

“Madaxweynaha waxaa ku soo siyaartay xafiiskiisa 10 ka mid ah danjirayaasha Somaliland ee caalamka inoo jooga. Siyaaaradaasi waxay ka dambaysay laba maalmood oo iskugu jira tababar, iskaashi, isbarasho iyo waayo-aragnimo qaybsi loo sameeyey safiiradda”, sidaasi waxaa yidhi wasiir Dr. Sacad cali Shire.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa ku dhiiri-galiyey safiiradda inay ku dadaalaan sidii Somaliland ictiraaf loogu heli lahaa, wasiirka waxaa hadaladisii ka mid ahaa, “Madaxweynuhu wuxuu ku gubaabiyey safiiradda inay xilkii loo igmaday ay ku dadaalaan oo ay halkaa ka sii wattaan. Si aynu ugu guulaysano himiladda aynu leenahay oo ah inay ictiraaf ka helno caalamka”, sidaasi waxaa yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.