Madaxweyne Siilaanyo oo Khudbad Ka Jeediyey Sanad-guuradda Ciidamada Booliska Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa maanta taliska guud ee ciidamadda Booliska Somaliland lagu qabtay xaflad lagu xusaayey sanad-guuradda ciidamadda booliska Somaliland. Sanad guuraddan waxaa ka qayb-galay madaxweynaha Somaliland waxaanu hambalyo u diray ciidamada booliska Somaliland.

War-saxaafadeedkan laga soo saaray xafladan uu madaxweynuhu ka qayb-galay ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 02.02.2017 ka qaybgalay , munaasibadda Xuska Sannad Guurada 23aad, ee Aasaaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay Caasimada Hargeysa. Madaxweynaha oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey munaasibadaasi ayaa u dhignayd sidan:-

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,,

Assalamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu,,

Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta ka soo qayb galo, munaasibadda Xuska Sannad Guurada 23aad, ee Aasaaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Madashan qiimaha badan, waxaan jecelahay, in aan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan hawada u mariyo, dhammaan Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Mar labaad, waxaan hambalyo u dirayaa, munaasabaddan ku aaddan, qoysaska Ciidanka Qaranka iyo shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxaan u ducaynayaa, dhammaan geesiyaashii u shahiiday, difaaca dalkooda hooyo, waxaan EEBE uga baryeyaa, in uu u dambi dhaafo, naxariistii janno ka waraabiyo.

Duco qabayaal,

Dib-u-yagleelkii qarannimada Somaliland ee Shirkii Burco, iyo ururintii ciidan beeleedyadii dalka ku kala firidhsanaa, ee lagu tallaabsaday, waxay suurtogalisay aasaaska Ciidanka Qaranka, oo ay maanta ku jiraan, kuwii xilligaa dhashay ama dhallaanka ahaa. Tallaabadani waxay xaqiijisay in la dhiso Ciidan Qaran oo cududdiisa lagu ciil baxo.

Anigoo munaasabaddan ka faa’iidaysanayaa, waxaan u hambalyeynayaa madaxdii iyo masuuliyiinta hormoodka ka ahayd, in la unko Ciidammo Qaran, kuwaas oo gufeeyey meel kasta oo gabadano ay gurigeenna ka soo geli lahayd, si gaar ah, waxaan u xusayaa, Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Marxuum, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisii Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, kuwaas oo lahaa hal abuurka himilladan qaran, ee lagu haqab-beelay.

Sidoo kale, waxaan xusayaa, Taliyihii aasaasay Ciidanka Qaranka, Taliye Xasan Cali Abokor, iyo Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, oo aan la illaawi karin, sidii geesinnimada lahayd, ee uu ugu dhiirraday, isla markaana tusaalaha noqday, dad hortii, in uu fagaare ku qarameeyo, hubkii iyo ciidankii ay gaarka u lahaayeen, beel weynta uu odayga u ahaa. EEBE naxariistiisa janno ha ka waraabiyo, halyeyadaa intii geeriyootay.

Duco-qabayaal,

Ummad kasta oo dunida ALLE ku oomay, waxa yool iyo abbaar u ah, in ay samaysato cudud iyo ciidan, ciiddeeda iyo calankeeda difaaca, oo lagaga cabsado. Sidaa darteed, ujeeddooyinka la idin unkay, waxa kow ka ah, difaaca dalka, adkaynta amniga gudaha, iyo ilaalinta haybadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa hubaal ah, in muddadii rubcu qarniga ahayd, ee aynu madax-bannaanideenna la soo noqonnay, aynu gaadhnay guulo waaweyn oo dhaxal gal ah. Guulahaa waxa udub dhaxaad u ah, nabadgelyada qiimaha badan, ee aynu haysanno, iyo horumarka aynu hiigsanayno.

Duco-qabayaal,

Waxa hubaal ah, in aad tihiin halyeyada hirgeliyey, galladaa iyo gobonnimadaa aynu dugsanayno, ee dusheenna ka muuqata, ka-sokow, qaddarka iyo qubuulka ALLEHEENA WEYN. Waxa hubaal ah, in xilka iyo waajibaadka idin saaran, yahay mid aan dhammanayn, oo waagii baryaba taagan. Sidaa darteed, duco-qabayaal, waxa la idinka baahan yahay, in aad dedaalka sii laban-laabtaan, isla markaana heegan u ahaataan, habeen iyo maalinba, ilaalinta danaha guud, iyo u adeegidda dalkeenna iyo dadkeenna.  Waxaan idin leeyahay, halyeyadii Qarankow, ha daalina, duruufaha kala duduwanna u dul qaata, sidii aad horeba danta dalkiinna iyo dadkiinna ugu soo dibjirteen.  Waxaan idin leeyahay, duco-qabayaal, murtida tidhaahda: “Ragganimadu, waa inta reerkaaga ka soo hadha”. Waxaan idin leeyahay, Ilaahay baa idinka abaal marin, ajar iyo xasanaadna idinka siin, ummaddinuna way idiin ogtahay kaalinta aad kaga beegantihiin, “Libaax nin galay, iyo nin galladayba og”. Duco-qabayaal, xogogaal ayad ka tihiin, in Xukuumadda aan Madaxda ka ahay, ay juhdi badan gelisay dhismaha Ciidammada Qaranka.

  1. Waxaannu kordhinnay, muddadii lixda sanno ahayd tirada ciidammada, iyada oo la qarameeyey, lana hawlgeliyey colal iyo cutubyo badan oo cusub.
  2. Waxaannu kor u qaadanay, tayada iyo tababarrada xirfadaha ciidanka.
  3. Waxannu keennay agab fara badan oo isugu jira gaadiid iyo hub, kaas oo kobciyey awooddii iyo mooraalkii ciidammada.
  4. Ciidankii aan kala lahayn sarkaal iyo subbeehi, muddada ku siman labaatanka sannadood, waxaannu mid kasta siinnay derajadii uu mudnaa, taas oo loo maamulay hab cadaalad iyo cilmi ku dhisan.
  5. Waxaannu tiraba saddex jeer kordhinnay mushaharka ciidammada Qaranka.
  6. Dhinaca kale, waxaannu u samaynay ciidammada jiidda hore, gunno gaar ah, oo lagu daryeelayo ama lagu xannaanaynayo, taas oo aad maanta dhexdiinna uga taqaannaan “GUNNADA GEED FUULKA”.

Duco-qabayaal,

Waxaa naga go’an, in aannu illaalinno qiimaha derajada Ciidammada Qaranka, isla markaana aan loo bixin nidaam ku dhisan siyaasad iyo dano gaar ah.  Si looga hor tago, ama looga feyjignaado, waxaannu diyaarinnay, Xeer lagu maamulo Derajada Ciidammada Qaranka. Xeerkaas oo hagaya, ama jaan goyen ku samaynaya, sida loo dallaco ama derajo loo helo. Aniga oo ka duulaya Xeerka Derajada Ciidammada Qaranka, iyo soo jeedinta Guddigii Saraakiisha, ee Taliyuhu u magacaabay qiimaynta derajada Ciidanka Qaranka, waxaan maanta idinku bushaaraynaya, in aan dallacsiiyey Ciidanka Qaranka, gaar ahaan, Saddex-Xidgle iyo wixii ka hooseeya, dhamman min hal derajo. Xeerka cusub ee derajada ciidammada loo sameeyey, wuxuu qeexaya in saddexdii sannadooba, hal mar la dallacsiiyo saraakiisha leh derajooyinka (Xiddig, Laba Xiddigood iyo Saddex Xiddigood). Tirada guud ee Ciidanka Qaranka maanta aan dallacsiinaya waxay dhan tahay 4393.

Sidoo kale, waxaan abaal gud dallacaad u siiyey, tiro yar oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Qaranka, kuwaasoo dallacaadan ku mutaystay hawlkarnimo, daacadnimo, iyo dedaalkii ay ka muujiyeen, hawlgalladii nabadaynta iyo dhex-dhexaadinta, rabashadihii ka dhacay Ceel-afweyn, Sin-carro, Dhumay iyo Daba-taag.

Mar kale, waxa sharaf ii ah, in aan si weyn u hambalyeeyo Ciidammada laga qarameeyey, Deegaammada Sool iyo Sanaag Bari, mujaahidiintaas oo xaqiijyey guulo wax ku ool ah. Waxaan ugu bushaaraynaya geesiyaashaa iyo daraawiishtaa Ciidanka Qaranka ka tirsan, in ay naga go’an tahay in aannu deg deg u tayeyno, isla markaana aannu xurmo iyo xuquuq buuxda siin doonno. Ugu dambayn, waxaan dhammaan Ciidammada Qaranka farayaa, in ay heegan buuxa galaan, isla markaana u diyaar garoobaan, ka qayb galka gurmaka iyo gargaarka loo fidinayo dadkooda abaaruhu tabaaleeyeen.

Ilaahay waxaan ka baryeyaa, in uu inoo naxariisto, abaartana inaga soo jabiyo.

Ilaahay waxaan ka baryeyaa, in uu inoo dambi dhaafo, deeqdiisana ina siiyo.

Ilaahay waxaan ka baryeyaa, in uu boggeenna, iyo beerkiinna, burcad isu mariyo.

Aamiin…aamiin…aamiin

Naasir Yuusuf Daahir 

Secretary Office Media of the Presidential

Hargeisa – Republic of Somaliland

Email: naska2007@hotmail.com

nasirnaska77@gmail.com

Tell: 63-4423774

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Assalamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu,,,