Madaxweyne Puntland oo ka hadlay shirka fashilmay ee Afisyooni

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faah-faahin ka bixiyey shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee magaalada Muqdisho oo natiijo la’aan kusoo idlaaday.

Fashilka shirka ayaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe waxa uu ku eedeeyey madaxda Jubaland iyo Puntland, oo uu sheegay “inaysan rabin” in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in muuqaalkii ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii deysay ee wasiir Dubbe uu ku sheegay in Puntland iyo Jubbaland uu shirku ka socon waayey uu yahay mid horay loo sii diyaarsaday, islamarkaana ay dowladda federaalku horay ugu sii tala gashay fashilinta shirarka Afisyooni.

“Waxaa la yaab leh maanta iyo maalmihii horeba waan shireynay, balse waxaa noo cadaatay in qoraalka iyo muuqaalka ay galabta dowladdu sii deysay ay ahaayeen wax horay u diyaarsanaa, waxaa cad dowaldda federaalku in aysan rabin inuu dhaco shir looga wadahadlayo dalka, marka nasiib daradaas waa inay dadka Soomaaliyeed ogaadaan,” ayuu yidhi madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa sheegay in wasiir Dubbe uu maanta ku sugnaa Afisyooni oo madaxdu ay isugu tageen, balse dharka uu watay markii uu ka soo muuqday shirka jaraa’id ee eedeynta loogu jeediyey Puntland iyo Jubalnd uusan wadan, sida uu sheegay.

“Wasiir Dubbe waa uu nala joogay maanta, marka dharka uu isaga duubay muuqaalka kii uu watay maaha, marka wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in bulshada lagu marin habaabiyo ayuu ahaa warkii galabta ka soo yeeray dowladda federaalka,” ayuu yidhi Deni.