Madaxweyne Muuse Biixi oo Xafiiskiisa ku Waabiley shir-guddoonka golaha guurtida Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley shir-guddoonka golaha guurtida Somaliland.

Kulankaas oo ahaa xog-warran ay shir gudoonku madaxweynaha ka siiyeen xaaladda guud ee dalka ka jirta, hadday tahay nabadgelyada, dhex-dhexaadinta beelaha oo ay door muhiima ka qaataan goluhu, iyo u diyaar-garowga doorashooyinka wakiillada iyo golayaasha deegaamada ee sannadka 2019-ka dalka la filayo inay ka qabsoonto.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa waxa uu golaha guurtida ku ammaanay dedaallada ay ka sameeyeen arrimaha dhex-dhexaadinta iyo isu soo dhaweynta beelaha ay dirirtu ku dhexmarto deegaanada qaar, iyo dedaalka ay ugu jiraan in shacbiga Somaliland ku dhaqani ay noqdaan kuwo nabadgelyo iyo walaalnimo waarta ku naallooda marwalba.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee golahaas, Mudane Siciid Jaamac Cali iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee guurtida Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.