Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-375/112019 uu magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyey masuuliyiinta ugu saraysay ciidanka booliska Somaliland.

Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:                   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey:             Ahmiyadda Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay dhismaha iyo amniga Qaranka;

Markaan Arkay:                   Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:           In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:             La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

TirMagacaXilka
1.Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi MaxamuudTaliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland
2.Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire FaaraxTaliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

 Ku: Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed  Mire

Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland.

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.