Hargeysa – (warsoor) – Waxaana maantaย oo Arbaca ah 13 December magaaladda Hargeysa ka qabsoontay xafladda xil-wareejinta madaxweynaha cusub ee Somaliland ee dhawaan ay doorteen shacabka Somaliland. Xafladan ayaa ka dhacday qasriga madaxtooyadda Somaliland, waxaana ka soo qayb-galay marti-sharaf tiro badan.
Sida dastuurka Somaliland dhigayo guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali ayaa dhaariyey madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.
Dhaarta madaxweynaha ayaa u dhacday sida ka muuqata muuqalka hoose: