Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kormeeray Wejiga Labaad ee Waddada Ceerigaabo ee Dhinaca Ina Af-madoobe oo Meel Wanaagsan Maraya

Xayira – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer ku sameeyey wejiga labaad ee jidka isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo ka bilaabanta deegaanka Xayira, kuna dhammaan doonta Gar-ciidle.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, oo madasha shaqada dhismaha waddadu ka socotay ku sugnaa, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey sida ay hawsha dhammaystirka waddadu u socoto, waxana uu shaaciyey inay ku dedaalayaan sidii ay u dhammaystiri lahaayeen wejiga labaad ee waddadaas oo haatan meel fiican maraya.

Madaxweynuhu waxa uu indhihiisa ku arkay habsami-usocodka fiican ee shaqada loo wado, isaga oo shaqaalaha wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadkana ku dhiirrigeliyey sida wanaagsan ee ay xilka iskaga saareen inay qabyo-tiraan waddadaas qaranka halbawlaha u ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si mug leh u bogaadiyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda Hawlaha guud iyo horumarinta sidadka, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay laban-laabaan dedaalkooda, isla markaana maanka ku hayaan in wixii ummaddu  qabsato guul lagu gaadhi karo, isagoo caddeeyey inuu si dhaw ula shaqayn doono, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waan hambalyeynayaa wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, si gaar ahna waxan u hambalyeynayaa, farsamada waddooyinka, waxana aan idinku bogaadinayaa in muddadii sanadka ahayd aad dhammayseen 57-KM, haddii Toddobadii biloodba intaas la dhammeeyo, waddooyin badan baa inoo dhammaanaya, innaga oo wax qabsanno mooyaane cidina waxba inoo qaban mayso, dal walbana dadkiisa ayuun baa dhista, aad iyo aadna waan idiin bogaadinayaa, waanan idinla shaqaynayaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.