Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyey Demgada Dilla

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa  lagu soo dhaweeyey degmada Dilla ee gobolka Awdal oo ay socdaal shaqo ku gaadheen.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo saaka ka ambo baxay magaalada Gabiley, ayaa  waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Dilla ee gobolka Awdal, waxana halkaas kaga hortegay shacabka deegaanka oo ay hormood u yihiin cuqaasha, salaadiinta, aqoonyahanka, waxgaradka iyo maamulka gobolka Awdal.

Bulshada ku dhaqan degmada Dilla oo maamul iyo madax-dhaqameed isku duuban, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa u galbiyey madal loo asteeyey in shacabka lagala hadlo, waxana halkaas hadallo kooban ka jeediyey Salaadiinta ugu miisaanka culus gobolka Awdal oo ay kamid yihiin, Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, Suldaan Xasan Xaddi Baade iyo xubno kale, iyada oo maamulka heer gobol iyo heer degmo-na madasha ka jeediyeen hadallo loogaga mahadnaqayo shacabka sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyey madaweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan ugu mahadnaqay bulshada ku dhaqan degmada Dilla ee sida hagar la’aanta ah usoo dhaweeyey isaga iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana  uu tilmaamay in bulshada reer Dilla caan ku tahay soo dhaweynta iyo marti-soorkaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.