Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo xadhiga ka jaray wershad cusub oo samaynaysa Taangiyada biyaha

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylci)  ayaa Maanta oo ay bishu tahay 09-09-2017 xadhiga ka jaray wershad cusub oo samaynaysa Taangiyada biyaha ee Gamuur Plastic factory, wershadaas oo laga hirgeliyay Waqooyiga  magaalada Hargeysa,  gaar ahaan Xaafada  Sheedaha.

Warshadan cusub ee laga  hirgaliyay  ayaa waxay samayn doontaa taangiyada biyha iyadoo lagaga maarmi doono Taangiyadii biyaha ee birta ama daxalka yeelan jiray.

Madaxweyne ku xigeenku  waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay warshadan cusub ee lagu soo kordhiyay dalka, isla markaana ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan maalgashiyada noocan oo kale ah, gaar ahaan maalgashiga muwaadiniinta reer Somaliland.

“Maanta farxad weyn ayay noo tahay, walaalkeen oo muwaadin ah oo dalka ku soo kordhiyay maal-gelin iyo fikrad cusub, in aynu u hambalyayno, marka labaad-na waxaan leeyahay ILLAAHAY ha u barakeeyo, hana ku guuleeyo oo ILLAAHAY ha gaadhsiiyo halkaa uu ka bilaabay meel ka sarraysa,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

Md. Cabdiraxmaan  Saylci waxa kale oo uu intaa raaciyay “Haddii aanu nahay xukuumadda maanta joogta, waxaannu ku taamaynaa in la dhiiri-geliyo maalgashiga, gaar ahaan maal-gashiga muwaadininta, wixii awoodeenna ka baxsanna aynu soo jiidano maal-gashiga caalamiga ah,  sababta oo ah waddankeennu waa wadan curdin ah oo ay yaalaan fursado badan, markaa waxaa loo baahan yahay sidaa walaalkeen Daahir MAxamed Gamuur oo kale in lagu dhiirado abuurista fikradaha cusub ee aynu u baahan nahay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.