Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dubai Kula Kulmay Ganacsato Waa Weyn Oo Danaynaya Inay Maalgashadaan dalka

Dubai – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinaayo wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb. Muniir Cabdillaahi Abusite welina ku sugan Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maalin-nimadii shalay ee jimcihii (27-09-2019) waxa Hotelka uu ka degan yahay Dubai ku soo booqday ganacsato waa weyn oo danaynaya inay maalgashadaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan Madaxweyne ku xigeenku uu la qaatay ganacsatada ku soo booqatay hotelka uu degan yahay ayaa ujeedkiisu daaranaa sidii ay qayb uga noqon lahayaeen horumarka balaadhan ee ka socda Dalka Somaliland gaar ahaan dhinaca maalgelinta iyo horumairnta dhaqaalaha dhan walba la xidhiidha.

Waxaanay ganacsatadaasi u soo bandhigeen madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland inay danaynayaan inay maalgelin ku sameeyaan dhinaca Beeraha, Dalxiiska, wershadaha iyo inay ka sameeyaan gudaha dalka Hotello waa weyn oo casri ah, madaama ay Somaliland noqotay meel maanta caalamku isha ku hayo oo uu danaynayo una tartamayaan ganacsatada waa weyn iyo dawladdaha aduunku.

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmana Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ganacsatada uga mahadnaqay sida ay u danaynayaan Dalka Somaliland inay maalgelin ku sameeyaan ayaa ugu horayn ku marti-qaaday ganacsatadaasi inay dalka yimaadaan oo ay soo indho indheeyaan horumarka iyo dedaalada maalgelineed ee ka jira dalka Jmahuuriyadda Somaliland, soona arkaan xeebaha dalka gaar ahaan Marsada Berbera oo iyadu wakhtigan hoggaanka u haysa horumarka ka socda dalka, lehna garoon diyaaradeed oo hadda uun farta laga qaaday ahna ka Afrika ugu weyn wakhtigan, loona isticmaali karo nooc kasta oo diyaarado ah Afrika inteeda kalena looga faa’iidayn karo dhinaca ganacsiga kaarkooga.

Gebegabadii kulankaasi waxa uu ku soo dhamaaday isfahan iyo xidhiidh wanaagsan oo dhexmara ganacsatadaa caalamiga ah iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.