Madaxweyne ku xigeenka oo la tukaday shacbiga Caasimada

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyneku-xigeenka oo uu wehelinaayo Gudoomiyaha ahna Musharaxa xisbiga KULMIYE mudane Muuse biixi Cabdi ayaa bulsho weynta ku dhaqan caasimada somaliland ee hargaysa kula tukaday salaadii ciida masjid jaamaca weyn oo ay so camireen kumanaan bulshada ku dhaqan caasimada .

Madaxweyne ku-xigeenka oo khudad u jeediyay bulshada ayaa ugu hambalyeeyay munaasibada ciidal-adxa isagoo madaxweyne ku-xigeenkuna ILLAAHAY uga baryay mushtama reer Somaliland inuu u siyaadiyo nabadgalyada iyo xasiloonida isagoo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay nabadgalyaddu kulana dardaarmay wakhtiga doorashada inay bulshadu ilaaliso nabada iyo xasiloonida dalka waxaanu yidhi “Waxaan hambalyo ballaadhan hawda u marinayaa dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan hambalyo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.