Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qeyb Galay Qalin Jabinta 58 Arday Oo Ka Qalinjebiyay Kulliyadaha Kala Duwan Ee Jaamacadda Abaarso Tech

Hargeysa – (warsoor) – Munaasibad balaadhan oo ka qabsoontay Hotel Crown ee Magaalada Hargeysa oo ay  goob joog ka ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Gudoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, gudoomiye ku xigeenka xisbil xaakimka kulmiye Md. Maxamed kaahin Axmed, Agaasimaha guud ee tacliinta sare Dr. Yuusuf Cali Ardo, waalidiin iyo Siyaasiyiin ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha jaamacada Abaarso tech Dr. Axmed Xuseen Ciise isagoo ka warbixiyay kuliyadaha jaamacada iyo doorka jaamacada Abaarso tech ee horumarinta waxbarashada wadanka, sidoo kale waxa halkaasi khudbado ka jeediyeen masuuliyiintii ka soo qaybgashay xaflada qalin jebinta iyagoo u hambalyeeyey dhalinyartii halkasi ku qalin jibiyey maanta.

Ugu danbayn waxa munaasibada soo afmeeray Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Jamhuuriyada Soomaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaacil (Saylici), madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Soomaaliland oo Munaasibada ka hadlay ayaa ugu horaynba hambalyo u diray Ardayda ka qalin Jabisay Jamaacada Abaarso Tech, waxaana uu xusay inay Aqoontu tahay shayga keliya ee lagu horumari karo islamarkaana dalku u baahan yahay dhalinyaro aqoon leh, Mudane Saylici ayaa sidoo kale xusay in  Xukuumadda uu Madaxweye ku xigeenka ka yahay islamarkaana ka dhalatay Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ay dalka wax badan ka qabatay mudadii ay talada waddanka hayeen.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Hadalkiisa waxa kamid ahaa “ Jaamacada guud ahaan waan hambalyaynayaa maamulkeeda, Gudoomiyeheeda iyo macalimiinteeda waxaan kaloo hambalyaynayaa waalidiinta kusoo tabcay ubaxan maanta horteena fadhiya waxaan leeyahay waa maalintiinii waa maalin  aad mudantihiin in laidinla debaal dego waa maalin aad mudan tihiin in wakhti la idiin huro aad iyo aad ayaan idiin hambalyaynayaa Hambalyo Hambalyo.” Ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil Saylici Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Jamhuuriyada Soomaliland.

Ugu Danbayntiina Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii kaalmaha hore  ka galay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadu ka kooban tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.