Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka oo booqasho ku joogta Ghana

GANA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo lugtii u horreysay ee booqasho toddobaad qaadaneysa, oo ay ku tageyso saddex dal oo Afrikaan ah ku joogta Ghana, ayaa dalkaasi kula kulantay madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka. Waxa ay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta iyadoo suโ€™aalo dhowr ah laga weydiiyay xiriirka Mareykanka iyo qaaradda Afrika, xilli ay sii kordheyso saameynta dalalka Ruushka iyo Shiinaha ee qaaradda.

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa booqashadan waxa ay uga dhigan tahay xiriirka Afrika iyo Mareykanka ka wareystay Cabdullaahi Shiikh Cabdirisaaq oo ah agaasimaha xarunta cilmi baarista ee Horn Gateway Research Center.