Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo loo diiday in uu ka dhoofo garoonka Nairobi

KENYA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa laga hor istaagay in uu ka dhoofo dalka xilli uu ku wajahnaa Uganda.

Ruto ayaa saacado ku sugnaa garoonka ka hor inta aanan laga hor istaagin safarka.

Waxay saraakiisha socdaalka ka codsadeen in uu tuso warqad muujinayso in fasax uu kasoo qaatay saraakiisha dowladda iyo in kale.

Bishii July ayay aheyd markii la arkay sawir muujinayo Ruto oo la fadhiya madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni xilli uu booqasho ku tagey halkaas.

Waxaa maalmihii dambe sii xumanayay xiriirka madaxweyne ku xigeenka iyo saraakiisha sare ee dowladda.

Madaxweynaha Kenya ayaa horraan ku eedeeyay Ruto in dalka gudahiisa uu ku marayo safaro micno darro ah.

Ruto wuxuu si weyn u xoojinayaa ololaha uu ku baadigoobayo madaxtinimada, horraan wax martiqaad ah kama uusan helin xukuumadda gaar ahaan marka la qabanayo shirarka.

XIGASHO: BBC