Madaxweyne ku xigeenka JSL oo xadhiga ka jaray Cisbitaal ay dawladda Imaaraadku ka hirgalisay magaaladda Berbera

Berbera – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray Cusbitaal cusub oo dawladda Imraadku ka hirgalisay magaalada Berbera.  

Meeyarka magaalada Berbera ayaa sheegay cusbitaalkaasi waxwayn ka tari doono addeegyada caafimaadka ee gobolka, isagoo uga mahad celiyay cidii maalgelisay.

Wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Cusbitaalkaasi uu kamid yahay cusbitaalo kale oo dalka laga dhisay.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ugu dambayn furay cusbitaal Khalifa ee magaalada Berbera laga hirgaliyay isagoo dawladda Imaaraadka uga mahad celiyay dhismahiisa.