Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Kulan Casho Sharaf Ah ku Maamuusay Dr. Sheekh Ahmed Essa Al-misrawi Oo Ka Mida Culimada Ugu Waa-weyn Caalamul Islaami

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay Dr. Sheekh Ahmed Essa Al-misrawi oo kamida culimada ugu waawayn caalamul Islaami, islamarkaana ahaa gudoomiyaha guddida hubinta kitaabka Qur’aanka kariimka.

Dhinaciisa Dr Sheekh Ahmed Essa Al-misraawi ayaa shahaadada PHD-da ku sharfay kuna maamuusay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwayne ku xigeenka Qaranka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici). Waxaanu Sheekhu u mahadnaqay Madaxwayne ku xigeenka oo kulankaa ku casuumay.

.

Waxaana Kulanka kala soo qayb-galay madaxweyne ku xigeenka Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada, xubno ka mida golaha wasiirrada iyo qaar ka mida culimada dalka.

Wa-bilaahi Tawfiiq