Madaxweyne ku xigeenka JSL oo furay Bandhigii 14-aad ee Carwada Buugaagta

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qeyb-galay furitaanka Bandhigii 14aad ee Carwada Buugaagta ee Hargeisa International Book Fair oo sannad kasta lagu qabto magaalo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horayn waxa uu u mahadceliyey maamulka iyo masuuliyiinta xarunta dhaqanka oo uu ku amaanay inay wax weyn kusoo kordhiyeen dalka, waxaana uu xusay in xarunta dhaqanka ee Haregysa ay qiimo balaadhan ugu fadhido qaranka Somaliland, waxaana uu soo dhaweeyey martida ka timi waddamada kala duwan ee kasoo qeyb gashay bandhiga buugaagta.